Dhibaatoyinka haysta Kaluumaysatada yaryar ee Somaaliyed.
Burburkii dowladii dhexe kadib waxa wadanka ka dhacay dhibaatooyin aad u badan, waxaa burburay inta badan kaabayaashi dhaqaalaha. Waxa dhibaatooyin wa waawayn ay soo wajahday dadka kaluumaysatada ah. Si guud, Dadka Soomaaliyeed tariikh ahaan ma ahan dad aad ucuna kaluunka sida darteed dadka kaluumaysta wa ay koobnaayen maadaama dadka cunaba aysan badnayn. Burbuurki marka uu dhacay waxaa kadhashay dhibaatooyin badan oo soowajahay kaluumaysatada yaryar kuwaso saamaynayay nolol ahan iyo dhaqaala ahaanba kaluumaysatada waxana kamid ah dhibaatooyinkas;
Dhibaatada maraakiibta shisheeye ee samaysa kaluumaysiga sharci darada ah gudaha baddeena, Maadama baddena ay aad ugabuuxan noocyo badan oo kaluun ah ayna arkeen markiibta shisheeye in ay baylah tahay ( aysan jirin cid ilaalinayso) waxa ay bilaabeen in ay kakaluumaystaan ayagoo xata xeebta aad ugusoodhawaanayo waxayna kusameeyan kaluumaysatada Soomaaliyeed in ay iskuduuduuban shabaagahood taasina ay sababto in qofki Soomliga aha uu waayo kaluun iyo shabagaba, sidookale maraakiibtan waxa ay kushuban badda qashinka kaso ku sababayo dhibaatooyin badan badda iyo dadkaba, maraakibtan waxa ay dhibaato u gaystan deegaanka badda (Marine Environment) ayagoo adeegsanayo shabaag(Nets) kasoo burburinayo ecosystem ka taasina waxay kenaysa in kalumaysatada waayan kaluun sidookale waxa dhibkaasi gaara noolaha bada (Marine Life) maaadama deegaanki badda dhi gaaray tani waxa ay sababtay in kaluumaysata badan kaniyajaban ama gebi ahaanba joojiyan kaluumaysiga
in ay kudhibaatooban kaluumaysatada qaasatan kuwa quusa(divers), waxyaabo aysan aqoon kuwaaso kusababaya qofka in uu suuxo, paralays, ama dhimasho ayay kalakulmn badda waxyabahaso an lagaranayn waxa ay yihin. Dhawaan waxa warbaahinta kasoomuuqday kaluumaysata soomaliyeed oo kudhibaatoobay waxyabo aysan garanayn kuwaa oo ku sababy qaarkood dhimasho iyo naafanimo.
Kaluumaysatada Soomaliyed waxa ay wajahaan dhibaatooyin dhankqa qalabka isgaarsiinta waxa ayna sababta in lawaayo marwaliba kaluunmaysata badda u jilaabtegay si ay kaluun usoodabtan kadib marki ay jahadu kalunto oo ay garanwayan halka uu berigu kajiro.
Kaluumaysatada somaaliyed kamahelaan dowlda kaalmo wayn taaso sara uqaada wax soosaarkooda waana kuwa inta badan maareeya naftooda.
Hassan Abdullahi Mao
Dear Mr Mao,
ReplyDeleteI'm very appreciating with your helpful contributions and reports towards fisheries sector.
I hope you will continue such this important role.
Nor Daud